Sawirro:-Ciyaaryahan Mukhtaar Cali oo noqon doona qofkii ugu horreeyey ee Somali ah oo ka Ciyaara Koobka K/Cagta Adduunka ee 2018-ka

Ciyaaryahan Mukhtaar Cali ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo Ciyaartoyda Xulka K/cagta ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga uga qeyb geli doono Tartanka Horyaalladda K/Cagta ee Adduunka  (FIFA World Cup) ee sannadka soo socda ee 2018-ka.lagu qaban doono dalka Raashiya.

Dowladda Sacuudiga waxay dhalasho Muwaadinimadda siiyeen Ciyaaryahankaasi oo ku dhashay magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga, isla markaana carruurnimadiisa ku noolaa Sacuudiga, ka hor intaysan isaga iyo Waalidkiisa u dhoofin dalka Britain.

Hay’adda Ciyaaraha ee Sacuudiga ayaa u yeertay Mukhtaar Cali si uu uga mid noqdo Ciyaartoyda Xulka K/Cagta Qaranka Sacuudiga, kuwaasi oo bishii hore u soo gudbay Kooxaha Calaamka ee ka qeyb geli doona Tartanka K/Cagta ee Adduunka ee sannadka soo socda.

Mukhtaar Cali waxa uu Tababaro heer sare la qaadan doonaan 10-Ciyaartoy kale oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u ciyaari doona Xulka K/Cagta Sacuudiga.

Ciyaartoydaasi ayaa kala ah 2 u dhalatay Sudan, 2- Masaari ah, 2-Yemeni, 2- Nigerian, mid u dhashay Mali iyo mid u dhashay dalka Niger

Dhinaca kale, Mukhtaar Cali waxa uu ka mid yahay Ciyaartoyda Kooxda Chelsa ee dalka Britain ee amaah ahaanta ugu ciyaara Kooxda Vitesse Arnhem ee dalka Holland.

Ciyaartoyga Soomaaliga waxa uu horey uga mid ah Ciyaartoyda England ee uga qeyb galay Tartanka K/cagta ee dhallinyarada British-ka ee ay da’dooda ka hooseyso 16-jir iyo 17-jirka.

Hoos Ka Daawo Sawirrada