Sawirro:-Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Wareejiyay Qalab Ciidan

Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta qalab ciidan waxa ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah jaakadaha xabadda celiya ee loo yaqaano Bullet Proof, tuutaha ciidanka, dhanka isboortiga iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wareejiyay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale.

Saraakiisha Talyaaniga ee maanta deeqda ku wareejiyay ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socdeen hey’add caawisa dalalka dagaalada ka soo kabanaya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media