Sawirro:-Ciidamo iyo Gaadiidka dagaalka oo gaaray deegaanka Tukaraq

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ku sii qul qulaayan Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka dagaalka.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo aad u farabadan oo ka yimid Magalada Khardho ay gaareen deegaanka Tukaraq,kuwaas oo ah kuwo todobaad gudihiisa halkaasi agaray markii labaad.

Ciidamadaan ayaa waxa ay ku biirayaan Ciidamada Puntlnad eek u sugan Tukaraq,kuwaas oo dagaal kula jira Ciidamada maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kale Maamulka Soomaaliland ayaa iyana dhankooda waxa ay ciidamadii ugu badana geeyeen deegaanka Tukaraq,waxana taasi ay dhalisay in weli xiisadii dagaal ee ka taagneyd halakasi ay kororto.

Masuuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay hawada isku marsiinayaan hadalo sii hurinaya colaada,waxan weli sdioo kale jirin waan waan la kala dhex dhigay Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor