Sawirro:-Ciidamo Goordhow la wareegay deegaanka Boocame ee Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland oo ay wehlinayeen Maleeshiyaad deegaanka ah ay la wareegeen deegaanka Boocame ee Gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen ciidamadaas oo wata Gaadiidka dagaalka ay gebi ahaanba la wareegeen deegaankaasi Boocame, iyaga oo ka taagay Calanka Maamulka Soomaaliland.

Deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa ka mid ah deegaanada Gobolkaas ay inta badan dadka ku nool taageeri jireen Maamulka Puntland,waxa ayna ka mid tahay deegaanadii ugu dambeeyay oo ay la wareegaan Ciidamada Soomaaliland.

Weli Saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sool kama hadlin waxaana tallaabadaan ay ku soo aadeysaa xili deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa soomaaliland oo la wareegay  8-1-2018.

Hoos ka Daawo Sawirada Ciidamada la wareegay deeganka Boocame.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media