Sawirro:-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay deegaano ka tirsan G/Baay

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka sameeyeen Wadada u dhaxeysa degmooyinka Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan rag ka tirsan Alshabaab.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Sarakiisha Ciidamadu waxa ay sheegen in ay ku baadi goobayaan Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo koontorool ay dadka lacag uga qaadaan dhigtay sida ay hadalka u dhigeyn.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur ayaa sheegay in Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, ay yihiin kuwo meesha looga sarayo Al-Shabaab isla markaan ay ku qabsadeen  goobo hor leh oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Holwgalkaan oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli waxa uu ka socdaa Gobolo farabadan oo ka tirsan dalka,iyada oo Saraakiishu sheegeen in ay siiwadi doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media