Sawirro:-Ciidamada Xoogga dalka oo Soomaaliya sameeyay talaabo aan horay loo arag

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee Meleteriga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ebid sameeyay talaabo lagu farxo aan lagu arkin dowladdihii dalka Soomaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Meleteriga guutada 60aad ee Milatariga ,ayaa lacago ay ka jareen mushaarkooda u qeybiyay barakacayaal ku nool degmada Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir kuwaas oo ay ka muuqatay dhibaato dhanka Nolosha ah.

Dadkaan ayaa ciidamadu waxa ay siinayeen qofkiiba lacag dhan 100,000 oo Shilin Soomaali ah lacagtaas oo ay ka jareen Mushaarkii ay qaateen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyay talaabadan ay qaadeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ayna ka mid tahay qorshaha Cusub oo ay la timid dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo).

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media