Sawirro:-Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Dhismihii lagu dagaalamay ee Maxjarka Gaalkacyo

Waxaa mudo kadib lagu guuleystay in Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya la dejiyo Dhismaha Maxjarka Gaalkacyo oo ay dhowr jeer ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Ciidamadaan ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo wata Gadiidka dagaalka ayaa lagu arkay Dhismaha Maxjarka,kuwaas oo xal u noqon doona dagaalada dhexmara Ciidamada kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Gaalkacyo waxaa hadda ku sugan oo howlo nabadeed ka wada taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale Maanta ayaa lagu guuleystay in dib luu furo wadooyin ku xirmay dagaaladii horay u dhexmaray maleeshiyadka Puntland iyo kuwa Galmudug ee Gaalkacyo ku dagaalamay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidamada lagu wareejiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media