Sawirro:-Ciidamada NISA oo Gacanta ku dhigay Maleeshiyaad dilal ka geystay Degmada Kaaraan

Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan  Maleeshiyaad maalmihii dambe ay aad uga cabanayeen Shacabka ku Dhaqan degmada Kaaraan.

Maleeshiyadkaan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay,waxa ay dilal ka geysteen suuqa degmada Kaaraan ee M/Muqdisho taas oo sababatay in Suqaasi uu xirmo kadibna Maanta ay dibadbaxaan dadka degaanka.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay tiro ka mid ah Maleeshiyadkaas in kastoo uusan cadeyn tirada.

Raggaan ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska degmada Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho,waxana goobjoog ka ahaa Goobta lagu soo bandhigay Gudoomiyaha degmada Kaaraan,Afhayeenka Wasaaradda amniga iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-Sugida Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.