Sawirro:-Ciidamada Koonfur Galbeed oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo fariisinka ku leh Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa ay howlgalo ka sameeyeen inta u dhaxaysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale iyo deegaanada hoos yimaada.

Howlgalkaan ayaa aha mid lagu baadi goobayo rag ka tirsan  Al shabab oo ku sugan deegaanada hoos yimaada degmada Bardaale ee Gobolka Baay sida ay sheegeen Saraakiisha holgalka hogaamineysa.

Taliyaha Ciidamada Howlgalada Ee Degmada Bardaale Madguud Macalin ayaa sheegay in howlgaladaan ay mudooyinkii danbe ay ka wadeen deeganada hoos yimada Degmada Bardaale, isla mrkaana ay yihiin kuwo mniga lagu xaqiijinayo.

Waxa  uu sheegay sidoo kale in maalin walba ay howlgallo ay ka socdaan degmada Bardaale iyo agagaarkeeda,isla markaana Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed habeen iyo Maalin ay u taagan yihiin sidii deegaanada hoos yimada degmada Bardaale looga saari lahaa Al-Shabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirrada  howlgalka ay sameeyeen Ciidamada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media