Sawirro:-Ciidamada Jubbaland oo Gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa iyo Ragii watay

Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Rag iyo qaraxyo ay wateen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada degmada Luuqa ayaa Warbaahinta u soo bandhigeen raggaas oo gaaraya ilaa laba Nin iyo waxyaabaha qarxa oo ay wataan kuwaas oo u badan bambaanooyinka Gacanta laga tuuro.

Howlgal ay ka sameeyeen gudaha degmada Luuq ayay sheegeen Saraakiisha ciidamada Jubbaland in ay ku soo qabteen raggaas kadib xog ay ka heleen Shacabka degmada.

Hoos ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media