Sawirro:-Ciidamada ilaalada Badda Soomaaliya oo soo badbaadiyay Doomo lagu la’aa Badda’

Ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa booqday Ciidanka ilaalada Badda.

Wuxuu u sheegay Taliyaha Ciidamada ilaalada badda iney sii laba jibaaraan howsha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan,islamarkaana dadka la badbaadiyo.

Genaraal Mukhtaar Xuseen Afrax,ayaa sheegay in la sameynayo isgaarsiin ay ku wada xiraan kallumeysatada badda iyo ciidanka booliska ee ilaalada badda

Sido kale,ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amray dalxiisayaasha tagaya badda ineysan badda gelin iyaga oo aan wadan jaakadda dabaasha.

Ciidamada Ilaalada badda ayaa soo badbaadiyay doomo dhowr maalin lagu la’aa badda,waxayna balan qaadeen iney ka soo dhalaalayaan howsha culus ee loo igmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media