Sawirro:-Ciidamada Dowladda oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Rag ka Ganacsanayay

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta deegaanka Gubadley ee duleedka Bari degmada Kaaraan ka soo qabteen waxayabaha Maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay.

Howl gal ay iska kaashadeen Qeybta Bari ee Booliska iyo Ciidanka xoogga dalka aya lagu soo qabtay ragga ka ganacsanayey waxyaabaha Maanka dooriya iyo hal Nin oo la sheegay in uu  kufsi geystay.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamada wax ay ku qabteen Fuustooyin ay ku jireen waxyaabaha Maanka dooriya iyo 7 Rag ah kuwaas oo lix ka mid ah ay ka Ganacsanayeen Waxyaabaha Maanka dooriya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media