Sawirro:-Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Qalab Ciidan lagu wareejiyey

Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska, ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay soo gaarsiiyey Qalab Ciidan oo ka kooban , Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha  dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto, waxaana Qalabkaasi guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Dr Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association  oo ah Hey’adda  Booliska Ingiriiska ay u wakiisheen in qalabkaasi la gaarsiiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa S/guuto Bashiir Warbixin ka siiyey qalabkaasi iyo Noocyada  kala duwan ee  ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association  Dr Cabdi Aakhiro, ayaa sheegay in Deeqda qalabkaan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, islamarkaana Hay’addiisa  loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaggoo tilmaamay in waxbadan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media