Sawirro:-Ciidamada Ammaanka Puntland oo soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta waxa ay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku soo bandhigeen Hub iyo waxyaabaha qarxa.

Hubkan iyo waxyaabaha qaraxa oo lagu soo qabtay howlgal la sameeyay ayaa waxa ay ka kooban yihiin Bambaanooyinka nooca Gacanta laga tuuro iyo Rasaasta Madaafiicda.

Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo ay Warbaahinta ugu qabteyn Boosaaso ayaa waxa ay ku sheegeen in ay hayaan ragii watay waxyaabaha qarxa iyo hubka baritaana uu ku socdo dhawaana ay Warbaahinta u soo bandhigi doonan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale ayaa sheegay in howlgallo kale ay weli socdaan waxyaabihii lagu soo qabtana sidaan oo kale loo soo bandhigi doono.

Saraakiishu mabixin faah faahino kale oo intaasi ka badan,balse waxaa xusid mudan in todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada puntland ay howlgallo ka wadeen Xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media