Sawirro:-Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Rag falal amnidarro geysanayay

Ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ee Degmadda Boondheere oo kaashanaayo Shacabka iyo maamulka Waaxyaha ay ka kooban tahay Boondheere ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mida kuwa caadeystay in habeenkii ay Shacabka ka qaataan waxyaahaba ay sitaan.

Laba dhalinyara ah ayeey Ciidamada Amnigu ka qabteen waaxda Daljirka ee degmada Boondheere iyagoo Bistoolad Caag ah iyo midi wax ku dhacaayey.

Cabdi-Wali C/llahi Maxamuud Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Boondheere ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay labadaan ruux ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen iyagoo fulinaya amarka madaxda ka saraysa.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ku ammaantay Ciidamadu dadaalka ay sameeyeen, iyadoo sidoo kale shacabka Boondheere ka codsatay inaysan ka daadlin gacan siinta Ciidamada.

Ciidamaada Qalabka sida ayaa waxay ka wadaan guud ahaan Gobolka Banaadir sidii loo kordhin lahaa sugida abniga inta lagu jiro Bishaan Ramadaan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media