Sawirro:-Booliiska Britain oo xiray dad  lala xiriirinayo  dilka Haweeney Soomaali ah

Wargeyska Bristol Post ayaa qoray inay Boliska weli ku hawlan yihiin Baaritaanka Haweeney Soomaali ah oo bishan August 22-dii lagu dilay Xaafadda Ludlow Close ee magaalladda Bristol.

Marxuumadda oo 27-jir ahayd ayaa la sheegay in lala dhacay Tooreey, waxayna Boliska u soo xireen dilkaasi Nin 37-jir ah iyo Haweeney27-jir ah.

Boliska waxay sheegeen inay dadka Deegaanka ku soo wargeliyeen dilkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay weli baaritaano ku hayaan Labada Eedeysane ee lala xiriirinayo dilkaasi.

Khubarada Boliska ee ku takhasustay Baaritaanka falalka dilalka iyo Ciiddan kale ayaa weli ku sugan Dhismaha uu dilku ka dhacay, iyagoo ururinaya dhamaan caddaymaha la xiriira qaabka uu u dhacay dilka iyo dadkii ku lugta lahaa.

Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Bristol ayaa sheegay inay ka argagaxeen dilka Marxuumadda oo la oran jirey Aasiya Cumar, taasi oo la sheegay inuu dilay Saygeeda oo lagu magacaabo Aadan Daahir.

Ma kala cadda sababaha rasmiga ee uu Ninkaasi u dilay Xaaskiisa oo ifka kaga tegtay wiil iyo gabar ay u dhashay Saygeeda sababta u noqday dilkeeda.

Hoos Ka Daawo Sawirro

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media