Sawirro:-Beydhabo Oo Lagu Soo Bandhigay Ragii Dilay Sheekh Deyr

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas kusoo bandhigay 3-nin oo la sheegay ay ka dambeeyeen dil dhawaan Xaafadda towfiiq loogu geystay mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaaladaas.

Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ayaa la dilay xili uu ku jirey Masaajid ku yaala Xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo.

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Nabad Sugida Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa lagu soo qabtay ragaan 3-da ah ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Goobta lagu soo bandhigay Ragaan dilka geystay  ayaa waxaa ku sugnaa Xasan Xuseen (Xasan Eeleey) Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in howlgal qorshaysan ragaan lagu soo qabtay dhawaana Maxkamadda lasoo taagi doono.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media