Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool deegaanka Dangoronyo ee Gobolka Nugaal ayaa waxa ay Maanta dhigeyn banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Soomaaliland.
Shacabka banaanbaxa dhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay difacayaan Shacabka ku nool Magalada laas-Caanood oo ay sheegeen in uu dhibaato ku hayo Maamulka Soomaaliland,iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Maamulkaas.
Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Dangorayo Maxamed Cismaan Kawte oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dibadbaxa ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin Shacabka laas-canood,isla markaana ay ka difaacayaan cadawga Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.
Dibad baxaan ayaa ku soo aadaya xilli shalay mid la mid ah uu ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,isla markaana ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa labada maamul.