Sawirro:-Banaanbax baroordiiq ah oo ka socda Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow ka bilaawday banaanbax ay dhigayaan Shacabka Magaaladaas kaas oo ay ugu baroor diiqayan dadkii ku waxyeeloobay qarixii zoobe.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Goob fagaaro ah oo ku taalla Bartamaha Baydhabo iyaga oo Madaxa ku xirtay Marooyin Gaduudan.

Banaanbaxayaasha ayaa dareen ka muujinaya sida ay uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay qarixii galaaftay nolosha dad badan ee ka dhacay Magaalada Muqdisho Sabtidii aynu soo dhaafnay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in goordhow ay ku biiraan dibadbaxyaasha.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Banaanbaxayaasha Magaalada Baydhabo

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media