Sawirro:-Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Xubin muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka.

kulankaan ayaa waxaa  shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxaana kulanka  soo xaadiray xildhibaano gaaraya ilaa 159 Mudane.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayaashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqon doonta Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa 158 Mudane, waxaa diiday hal Xildhibaan, ma jirin Mid ka aamusay sidaas ayayna ku gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxa ay u gudbeen ajendaha labaad oo ahaa Qeybin Warbixinta wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka doodistiisa waxaana Guddoonka uu u sheegay mudanayaasha Golaha in ay soo akhristaan si ay uga doodaan kulamada xiga.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kaulanka Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media