Sawirro:-Axmed Madoobe”Shirka ka furmaya Muqdisho waa rajada Shacabka”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media