Sawirro:-Axmed Madoobe & Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu Dowlada UK uga mahad celiyay tageerada ay siiso Soomaaliya isagoo ku booriyay in dadaalka ay Ingiriisku ku bixinayaan dib usoo kabashada Soomaaliya ay sii dardar galiyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in adeegyada ay Uk ka fuliso deeganada Jubbaland ay yihiin kuwo natiijooyin fiican ay ka soo baxayaan balse loo baahan yahay in mar walba lagu saleeyo baahiyaha jira.

Adeegyada Waxbarashada Caafimaadka dib u habaynta qoxootiga kasoo noqonaya dibadaha iyo arimo kale oo ay kamid tahay tayaynta Ciidamada Booliska ayuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay siinayso mudnaanta koobad taageerada Saxiibada Soomaaliyana ay mar walba muhiim u tahay.

Danjire David Concar ayaa sheegay in kaalmada ay ku bixiyaan Soomaaliya ay sii laban laabayaan isagoo sheegay in si gaar ah ay diirada u saarayaan deeganada Jubbaland si baahiyaha jira wax looga qabto.

—DHAMMAAD—

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media