Sawirro:-Axmed Madoobe oo Xariga ka jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaas oo laga hirgaliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule maamulka maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Maxjarka.

Madaxweynahu wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya uguna tayada sareeya ka kooban yahay.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.

“Marka la eego xoolaha Magaalada lagu qalo waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha barista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.

Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa’iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media