Sawirro:-Axmed Madoobe oo la kulmay qeybaha Bulshada ee degmada Dooloow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Degmada Doolow kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan dhalinyarada Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka.

Kulankan ayaa dadweynahu waxay Madaxweynaha iyo wafdigiisa ugu tala galeen in ay ku kala warqaataan isla markaana lagu dajiyo qorshayaasha amaan iyo kuwa hormarineed ee Gobolka.

Dadweynahii kulanka kasoo qayb galay ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirada lasocday ka dhagaystay qorshaha Xukuumada ee dhinaca amaanka iyo Hormarka iyadoo intaas kadibna ay su”aalo ka weydiiyeen qaabka qorshayaashaas ay ku hirgalayaan.

Odayaasha deegaanka ayaa balan qaaday in Dowlada ay ku tageerayaan hananka xasilinta dhinaca amaanka ee ay Gobolka ka bilaabayso.

Waxaa kale oo ay soo dhaweeyeen in amaanka si guud la isaga kaashado oo ay garab istaagan Ciidamada Dowlada ee bilaabaya hawlgalada la isugu furayo Gobolka.

Dhalinyarada kulanka kasoo qayb gashay waxay Xukuumada ka codsadeen in Wasaaradaha Dowladu ay kordhiyaan shaqaalaysiinta Dhalinyarada ee Gobolka si baahida shaqa la’aantu ay u yaraato.

Dhinaca kale Haweenka Degmada Doolow ayaa sheegay in biyaha iyo caanaha ay la garab istaagayaan Ciidamada Dowlada oo ay garab iyo gaashaan u noqonayaan hawlgalka Al-Shabaab lagu cirib tirayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweynaha Doolow ku amaanay sida ay u jecel yihiin Dowladnimada isla markana ay diyaarka ugu yihiin in cadawga laga xoreeyo Jubbaland oo dhan.

Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in dhamaan laamaha kala duwan ee Dowladu ay Gobolka oo dhan ka hawl bilaabi doonan isla markana ay dardar galinayaan shaqaalaysiinta dhalinyarada.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in la daryeelayo oo la gacan qabanayo Caruurta agoonta ah ee aabayaashood ay ku geeriyoodaan dagaalka lagula jiro Argagixisada.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media