Sawirro:-Arday Kaalmaha hore ka gashay Tartanka Qur’aanka ee Radio Dalsan oo la abaalmariyey

Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Radio Dalsan ayaa waxaa maanta abaalmarin lagu guddoonsiiyey Sagaal Arday oo kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aan Kariimka ee Bishaan Ramadaan ka socday Idaacadda Dalsan.

Munaasbada ayaa waxa goobjoog ka ahaa Carruurta abaal marinta la siiyey,Waalidoontooda iyo Macalimiintooda,Guddigii tartanka iyo masuuliyiin ka kala socotay Idaacadda Dalsan Bankiga Amal iyo Shirkada Daabacaada Supersign.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ayaa soo bilaawday 13kii Bishaan Ramadaan,waxana ka qeybgalayey 60 Arday oo laga kala soo xulay Dugsiyada Quraanka Kariimka ee ku yaalla Gobolkan Banaadir.

Ardayda Sagaalka ah ee Abaal marinta la guddoonsiiyey ayaa Kaalmaha koowaad,labaad iyo Saddexaad wax ay ka galeen Tartanka Qur’aanka ee Soddonka Juz  labaatanka Juz iyo toban ka Juz waxaana abaal marinta bixinayey Bankiga Amal iyo Shirkada Daabacaada Supersign.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Ardayda iyo kaalmaha ay ku soo baxeen Ardayda.

1:- Cabdi Naasir Xasan Ibraahim oo 14 jir ah ayaa kaalinta koowaad ka galay Soddonka Juz ee Quraanka isaga oo keenay  100%

2:- C/Salaan Xuseen Yuusuf oo 15 jir ah ayaa  kaalinta labaad ka galay Soddonka Juz ee Quraanka isaga oo keenay =99.5

3:-C/llaahi Maxamed Yuusuf oo 13 jir ah ayaa kaalinta labaad  ka galay Soddonka Juz ee Quraanka isaga oo keenay =93

Labaatanka Juz ee Qur’aanka Kariimka waxaa kaalmaha hore ka galay oo la abaalmariyey

1:-C/Fitaax C/qaadir Cumar oo 14 jir ah oo ayaa kaalinta koowaad ka galay Soddonka Juz ee Quraanka isaga oo keenay =99.5

2:- Liibaan Ibraahim Aadan oo 14 jir ah ayaa kaalinta labaad ka galay labaatanka  Juz ee Quraanka isaga oo keenay =99

3:-Sumayo C/rashiid Caafi oo 13 jir ah ayaa kaalinta Saddexaad ka gashay labaatanka  Juz ee Quraanka iyada  oo keentay =98.5

4:-Aniso Maxamed Siciid ayaa kaalinta Afaraad ka gashay labaatanka  Juz ee Quraanka iyada  oo keentay ====

Tobanka Juz ee Qur’aanka Kariimka waxaa kaalmaha hore ka galay oo la abaalmariyey

1:-C/qaadir Maxamed Cabdi ayaa kaalinta koowaad ka gashay tobanka  Juz ee Quraanka iyada  oo keentay  =98

2:- Ruqiyo Sheekh Cali faarax ayaa kaalinta labaad ka gashay tobanka Juz ee Quraanka iyada  oo keentay =97.

Sikastaba Radio Dalsan oo baahineysay Tartankan ayaa waxaa sidoo kale gaba gabo ah oo haatan ka socda tartamo kale sida Tartanka dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir iyo Tartanka degmooyinka dalka oo uu taabagelinayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Munaasabada Abaalmarinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media