Sawirro:-Ammaanka Dhuusa Mareeb oo aad loo adkeeyay iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan

Maanta oo talaado ah ayaa waxaaa degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud laga sugayaa in uu tago Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalhi Farmaajo oo weli booqasho ku maraya deegaano ka mid ah Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay Cadaado isaga oo ka yimid Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa waxa ay iminka sheegayaan in diyaar garoowga wefdiga Madaxweynaha laga dareemayo halkaas,waxaana ku sugan Xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegi doono Dhuusa Mareeb,isaga oo kulamo la qadan doono madaxda Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,iyada oo ammaanka aad loo adkeeyay,waxana ku sugan ciidamo ka socda dowladda Jabuuti oo ka mid ah kuwa AMISOM.

Xarumaha Maamulka degmada Dhuusa Mareeb iyo Wadooyinka ayaa waxaa lagu dhejiyay Astaanta Calanka Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana qorshuhu yahay in madaxweynaha uu furo shirka lagu dhameystirayo heshiiskii ay wada gaareen Ahlusunna iyo Galmudug.

Sawirro