Sawiro:Wasiirka War-faafinta iyo Gudoomiyaha G/Banaadir oo furay Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan ee Idaacadda Dalsan

Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Caawa siwadjir ah waxa ay u fureen tartan Barnaamika aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Barnaamijka oo loogu magacdaray(Aqoon iyo Abaalmarin) ayaa waxaa Caawa ku tartami doona degmada Yaaqshiid oo ka tirsan gobolkaan Banaadir iyo degmada Jowhar oo ah Xarunta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka War-faafinta ayaa laabduba waxa ay Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Dalsan ku amaaneyn horumarinta dhanka aqoonta iyo Kaalinta ay War-Baahinta kaga jirto Idaacadda Dalsan.

Barnaamijka (Aqoon iyo Abaalmarin) ayaa dhagestayaasha waxa ay kala socdaan Xarumaha kala duwan ee Idaacada Dalsan ay ku leedahay degmooyinka dalka halka dadka kale ay sitoos ah uga daawanayaan Muqdisho Cable Tv.

Sawiro

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media