Sawiro:Wasaarada Amniga oo diyaarisay qorsho Cusub oo amniga la xiriira

Kulanka maanta uu wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dawladda Feeraalka Soomaaliya uu la yeeshay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta hay’adaha amniga dalka, tayanta shaqaalaha wasaaradda iyo in la kormeero shaqaalaha oo lala xisaabtamo.

 Shirka oo saacado socday ayaa sidoo kale, looga hadlay in la bilaabo olole bulshada lagu wacyigalinayo si ay qayb uga qaataan amniga dalka, loona dardargaliyo hawlqabadka laamaha amniga.

C/llahi Yuusuf Faarax ,agaasimaha waaxda xiriirka bulshada iyo wacyigalinta ee wasaaradda amniga ayaa dhamaadkii shirka ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga dawladda Federaalka Soomaaliya mudane C/naasir Muuse, ayaa sheegay in wadashaqaynta hay’adaha amnigu ay xoojinayso tayada hawlaha amniga, waxaana waaxyaha kala duwan ee wasaaradda uu kula dardaarmay inay ka soo baxaan waajibaadkooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiradda saaraysa xaqiijinta amniga dalka, waxaana dhaqangalay go’aano 11-dii bishan ka soo baxay golaha wasiirada, kuwaas oo ku wajahnaa xasiloonida caasimadda.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media