Sawiro:Tiradii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Afaafka Madaxtooyada oo korortay

Waxaa faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayaan qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada dowladda Afghanistan ee Magaalada Kapul

Qaraxan oo la tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu weynaa ee Kabul ka dhaca ayaa ruxay Goob   amaankeeda si weyn loo adkeeyo ay ku yaalaan safaarado iyo xarumo dowladeed oo muhiim ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayan in khasaaraha ka dhashay qaraxaas u sii kordhay islamarkaana uu haatan marayo ilaa 20 ruux halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 300, oo Ruux sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada Dowladda Afghanistan.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Kabul ayaa War-Baahinta u sheegay in qaraxaan uu ahaa mid xooggiisa Guud ahaan lag dareemay Magaalada Kapul islamarkaana Goobtaas ay ku yaalaan Safaarado badan oo ay leeyihiin dowladdaha Caalamka qaarkood.

Gaadiidka Gurmadka iyo Ciidamada Booliiska dowladda Afghanistan ayaa weli ku howlan qaadista iyo daadgureynta dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Hoos Ka Daawo Sawiarda qaraxa

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media