(SAWIRO):Tartan K/cagta oo ay CCA soo qabanqaabisay oo lagu soo gebagebeeyey Degmadda Shibis ee magaalladda Muqdisho.

Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed “Center for Community Awareness”, waxay abaabushay, isla markaana Taabagelisay  Tartanka K/Cagta ee Degmadda Shibis ee Magaalladda Muqdisho.

Tartankaasi  waxa ka qeyb galay 8 Kooxood  oo ka kala yimid Degmooyin kala duwan, wuxuuna Tartanku socday muddo hal isbuuc ah (Laga bilaabo bishii la soo dhaafay ee February 28-dii ilaa bishan March 4-dii).

Tartankaasi  waxaa lagu qabtay Garoonka K/Cagta  “Futsal Stadium”, waxaana Hal-ku-dhegga Tartankaasi ahaa: “Ciyaaraha waxay dadka ku mideeyaan Nabadda”.

Hal-ku-dhegaasi waxaa uu muujinayaa rabitaanka Midnimadda Mujtamaca si ay ugu noolaadaan Nabad.

Dad badan oo deggan Degmadda Shibis waxay la kulmeen Nabadgelyo-xumo ka hor inta aan Alshabaab laga wada saarin magaalladda Muqdisho.

Waxayna dadku u baahan yihiin in lagu wacyi-geliyo baahida loo qabo in Nabad lagu noolaado iyo inuu qof kasta kan kale xushmeeyo.

Tartanka K/cagta ee lagu qabtay Degmadda Shibis waxaa uu u soo daawasho tegi jiray Dadweyne aad u fara badan oo aan ku qiyaasnay ilaa 300 oo qof.

Ciyaarta  Fiinaalka waxaa isku soo haray Kooxaha Xaafaddaha Sakhaawadiin iyo Xalane ee Degmadda Shibis, waxayna Ciyaartoyda soo bandhigeen Ciyaar Farsamo sare leh, isla markaana ay ka muuqdeen Ciyaartoy badan oo Mustaqbal ku leh K/Cagta ee Somalia.

Labada Kooxood waxay 90-kii daqiiqo isla dhaafi waayeen Barbar-dhac 0-0, waxaana loo dhigay Rigoorayaal (Gool-ku-laad), waxaana 1-0 ku badisay Kooxda ka socotay Xaafadda Sakhaawadiin.

Daawashadda Ciyaarta Finalka waxaa ka soo qeyb galay  Saraakiil ka tirsan Dowladda, Hoggaamiyayaasha Deegaanka, Madaxda Dhallinyarada iyo Wakiilka Haweenka ee Degmadda Shibis.

G/xigeenka Maamulka Degmadda Shibis ee Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka, Maxamed Xasan oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo xirayey Tartankaasi waxa uu uga mahad celiyey Madaxda Xarunta CCA barnaamijka ay ugu tala galeen tartanka K/cagta ee lagu qabtay Degmadda Shibis.

G/xigeenka waxa uu ugu baaqay Madaxda CCA inay sii wadaan Tartamadda noocaasi ee lagu qabanayo Degmadda Shibis, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee lagu qabto Degmadad Shibis.

Waxa uu balanqaaday inay taageerayaan Hawlaha ay wadaan Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA, wuxuuna sidii kale u mahadceliyey Kooxihii ka qeyb galay Tartankaasi oo uu ku booriyey inay ku soo biiraan Hadafka Wanaagsan ee Ciyaaraha iyo inay bartaan faa’idooyinka laga dhaxlo Nabadda Bulshadda.

Madaxa Sport-ga ee Degmadda Shibis, Xuseen Buukale Macow oo isagana ka hadlay Munaasbaddaasi waxa uu u mahad celiyey Madaxda CCA, wuxuuna sheegay inay dadka Reer Shibis u riyaaqeen habsamida uu u socday Tartanka K/cagta ee ay CCA soo abaabushay.

Waxa uu ku booriyey kooxihii ka qeyb galay Tartankaasi ee soo bandhigay Ciyaar Saaxiibtinimo oo heer sare ah, wuxuuna xusay inay Ciyaaraha taageero ka geysan karaan sidii ay Dadka ugu midoobi lahaayeen Nabadda.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarradda Gobalka Banaadir, C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa isagana ka soo qeyb galay Daawashadda Ciyaarta Finalka, wuxuuna aad uga mahad celiyey Xarunta CCA Tartanka qiiradda leh ee ay u soo abaabuleen Dhallinyarradda, si loo xoojiyo Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshadda.

Waxa uu tilmaamay inay Madaxda CCA dadaal xooggan ku bixiyaan sidii Bulshadda loo bari lahaa Wacyi-gelinta Nabadda iyo Horumarka.

Waxa uu Madaxda CCA ugu baaqay inay kordhiyaan Tartamadda Ciyaaraha ee lagu xoojinayo Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshadda, si meesha looga saaro Aragtiyaha Xag-jirnimadda ee horseeday in la iska gawraco Dadka Rayidka ee Biri-ma-geydada ah.

Agaasimaha Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed (CCA), Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo gebageebeyey Tartankaasi, wuxuuna umahadceliyey  dhamaan Madaxda iyo Kooxaha ka soo qeyb galay Tartankaasi, wuxuuna si gaar ah ugu mahad naqay Madaxa Sport-ga Degmadda Shibis oo isagu si diiran uu u soo dhaweeyey CCA.

Waxa uu ugu baaqay Kooxaha aan ka qeybgelin Tartankaasi inay is-diiwaan geliyaan, isagoo xusay inay CCA si degdeg ah u qabanqaaninayso Tartan kale oo lagu qabanayo Degmadda Shibis.

Agaasimaha Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed (CCA), Maxamed Cabdi Xasan waxa uu hoosta ka xariiqay Dhaqdhaqaaqyadda CCA looga dan leeyahay in sare loogu qaado Wacyi-gelinta Bulshadda, iyadoo loo marayo Barnaamijyo kala duwan oo ay ku jiraan Ciyaaraha, Doodaha iyo Kulamada Furan ee loo qabanayo Bulshadda.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Ciyaaraha kaalin muhiim ah ka qaateen sidii dadka si wadajir ah loogu mideyn lahaa, isla markaana Ciyaaraha lahayn xuduud, oo ay yihiin qalab lagu heshiisiinayo Mujtamaca si ay ugu wada noolaadaan Nabad.

Agaasimaha CCA waxa kaloo uu xusay inay jiraan Tartamo Sport oo horey loogu so oqabtay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Munaasabadaasi waxaa Abaalmarino isugu jiray Koobab iyo Haddiyado kale la guddoonsiiyey Kooxihii Kaalimaha 1-aad iyo 2-aad kala galay iyo Ciyaartoyda ugu gool-dhaliskabadnaa.

Dhinaca kale, Maxamed Cabdi Xasan waxa kaloo uu halkaasi ka akhriyey Farriinta Guddoomiyaha Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed “Center for Community Awareness”, Maxamed Ibrahim Cali oo isaga aan Munaasbaadasi uga so oqeyb geli waayey isagoo xanuunsanaa.

Hadalladda Guddoomiyaha CCA ugu talagalay Munaasabadda lagu xirayey Tartankaasi waxay ahaayeen sidatan:-

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Kooxihii ka qeyb galay Tartanka Sport ee aynu taabagelinay. Waxaana aad ii soo jiiray Natiijaddaaan ka gaarnay Tartankaasi. Waxaan Fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan Tacsi ugu diro dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay, laguna dhaawacay weeraradii ay Alshabaab ku qaadeen Xeebta Liido iyo Hotelka SYL. Waxaa xaqiiqo ah inay na dhaawacayso inaan aragno Walaalaheenna (Wiilal iyo Gabdho) oo u dhimanayo sabab la’aan. Waxaan ugu baaqayaa Dhallinyaradeena  inay ka haraan Aragtiyaha Xag-jirnimadda ee Alshabaab, maadaama falalkooda ku salaysan yahay cabsiiyo aragagixsenimo. Runtii, Alshabaab mamatalaan Aragtida Runta ee Islaamka, xitaa ma xushmeeyaan Aadminimadda. Waxay yihiin kuwo doonaya inay carqaladeeyaan Nabadeenna iyagoo isticmaalayo falalkooda iyo inay dadka ku beeraan cabsi. Fadlan aan isqabsano gacmaha, si aan ula dagalaano Aragtiyadaasi. Aan isdhaafsano Macluumaadka lagu sugayo Ammaanka Bulshadda iyo sidii  Argagixisadda loo hor geyn lahaa Caddaaladda.Waxaan si daacadnimo leh idinkaga codsanayaa inaad  taxadir ka muujisaan khataraha ay Xag-jirayaasha maleegaan iyo inaan taageero ka geysano Badbaadinta Somalia.

Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda waxay diyaarisay Barnaamijyo la qaban doono Bisha soo socota, kuwaasi oo isugu jira Ciyaaro, Doodo iyo Kulamo Furan oo looga xaajoonayo Qoddobada ku adaan Cabsida ay Argagixisadda ku soo rogeen Ummadda” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Guddoomiyaha CCA, Maxamed Ibrahim Ali.

IMG_4652 IMG_4649IMG_4521 IMG_4470 IMG_4389 IMG_4346 IMG_4278 IMG_4028 IMG_3876 IMG_3332 IMG_3037 IMG_2946 IMG_2885 IMG_2820 IMG_2770 IMG_2716IMG_4687IMG_4687

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor