Siyaasiga Abdiweli Ibrahim Garyare oo ka mid ahaa ragii sida weyn uga shaqeeyey inuu kursiga Madaxweynaha Galmudug laga qaado Abdikariim Guuleed, islamarkaana Xaaf uu meeshaasi Madaxweyne ka noqdo ayaa iminka bilaabay kulamo uu la qaadano baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaanada Galmudug oo uu afur ugu sameeyey xalay hotel Karmel ayaa waxaa uu kala hadlay
lama arrimood, kuwaasi oo uu ku sheegay :
(Sidii aan ugu bogaadin lahaa geesinimada iyo xilkasnimada ay ku sameeyeen isbadel looga talaabo maamulkii ragaadiyey dadka deegaanka Galmudug, looguna heli lahaa madax cusub oo looga fadhiyo horusocod dhab ah, oo aan afka baarkiisa aheyn. ) Ayuu yiri Abdiweli Garyare, waxaana uu intaasi raaciyey:
(Sidoo kalana waxaan kulanka uga hadalnay sidii baarlamaanka usii wadi lahaa isbadelada lama huraanka ah ee muuqda iyo la xisaabtanka hay’addaha fulinta, taasi oo dhabaha u xaareysa inaysan laba sano ee hartay inaga khasaarin. )
Hadalka Abdiweli Garyare iyo kulanka uu la qaatay xildhibaanada ayaa waxaa ay muujinayaan inuu ku socdo xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, isagoona taageeraya mooshinka xilka qaadista ee laga diyaariyey Maxamed Xaashi Carabeey.
Madaxweyne Ahmed Ducaale Xaaf ayaa ka mid ahaa ragii xildhibaanimada ka raadsaday Cadaado, balse markii kurisigaasi la dhaafiyey isagana go’aansaday hanashada xilka Madaxweynaha Galmudug, sidaasi si la mid ah ayaa Garyare isagana xildhibaanimada uu waayey dhalisay sida muuqata inuu Madaxweyne kuxigeenka Galmudug u istaago.
Abdiweli Garyare waa siyaasi da’yar, waxaana wariye iyo hal-abuur bulshada Soomaaliyeed laga dhex yaqaan, inkastoo lagu tiriyo raga sida weyn uga soo horjeeda dowlada Madaxweyne Farmaajo.
Sawiro