Sawiro:Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibeda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda, isagoo kala hadley arrimaha shaqada iyo sida ay howshu usocoto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

 Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha, waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaaradda loo nidaamiyey, waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaaradda, waxaana aad ugu bogaadinayaa madaxda Wasaaradda in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”ayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer, waxuuna weydiiyey arrimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaaradda inta ka dhiman Sanadka.

Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwadda Soomaaliya.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media