Sawiro:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigay Wado Muhiim ah

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya ayaa Maanta dhagax dhigay Wadada 30,ka ee Magaalada muqdisho si daayctir loogu sameeyay,Wadadaas oo burbursaneyd tan iyo dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay islamarkaana aanan helin cid Dayactirta.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku wehliyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiinj kale.

Dhagac dhiga kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dhismaha Wadooyinka kale ee harsan oo aan weli helin dayactirka.

Wadadaan ayaa kamid aheyd Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho balse aad u burbursan,waxana xusid mudan in inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho la dayactiray.

Sawiro

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media