(SAWIR): Nin Somali oo haween Ethiopian tahriibanayey oo lagu qabtay gudaha Sacuudiga.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Saudi Gazette ee ka soo baxa magaalladda Riyad, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo gaarigiisa ku tahriibinayey  4 Haween oo Ethiopian ah iyo ilmo yar.

Saraakiil ka tirsan Boliska Degmadda Bishah ee Gobalka Aser ee K/galbeed ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay gaariga lagu waday haweenkaasi ku joojiyeen Jidka iska xira Degmadda Bisha iyo Degmadda Khamiis Mushayt, kana heleen Afarta haween iyo ilmaha yar.

Wargeyska Saudi Gazette oo daabacay Dhacdadaasi ayaa  qoray in Ninka Soomaaliga ee Dareewalka ahaa uu Boliska tusiyey Aqoonsiga Qoyskiisa, una sheegay in dadka la saaran gaariga yihiin Familkiisa.

Saraakiisha waxay sheegeen inay baaritaan kadib ogaadeen inuu Ninka Soomaaliga ku hawlanaa inuu Haweenka Ethiopianka  iyo Cunuga yar u sii  tahriibiyo Gobal kale oo ka tirsan Sacuudiga.

Dhinaca kale, Boliska waxay Ninka Soomaaliga iyo dadkii Ethiopianka ee uu tahriibinayey u gudbiyeen Maamulka Sare ee Waaxda Socdaalka ee Jawaasaadka.

DAAWO SAWIRKOODA:

ksa

Xigasho: Saudi Gazette

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor