(SAWIRO+MUUQAAL): Arday Soomaali Xaafidul-Qur’aan ah oo ku guuleystay Tartanka Caalamiga ee Qur’aan Akhriska.

Tartan Qur’aan Akhris oo ay ka qeyb galeen Tartamayaal ka kala socday dalalka Islaamka ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Axmed Burhaan Maxamed oo 16-jir ah waxa uu ka mid yahay Ardayda dhigata  Dugsiga (The Ubah Medical Academy) oo ku yaalla Hopkins ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaana Kaalinta 1-aad Tartanka Qur’aan Akhriska oo ay ka qeyb galeen 104 Tartamayaal ka kala socday Dalalka Caalamka.

Ardayga Somali-Maraykanka ee Axmed Burhaan Maxamed oo deggan New Brighton  ee Gobalka Minnesota waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta Tartankaasi oo 22-sanno jirsaday.

Agaasimaha Fulinta ee Dugsiga (The Ubah Medical Academy charter school) ee uu Ardaygaasi  dhigto, C/llaahi Faraax ayaa sheegay inuu Axmed Burhaan Maxamed ku bartay Qur’aanka Kariimka Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaalla magaalladda Minneapolis.

“Wa Guul Weyn oo Taariikhi ah oo u so ohoyatay Masjidkeenna, magaallada Minneapolis, iyo guud ahaan Maraykanka” ayuu sii raaciyey Maamulaha oo la hadlay mprnews.org

 

Axmed Burhaan Maxamed waxa uu barashadda Qur’aanka bilaabay isagoo 7-jir ah, wuxuuna dhameeyey 4-sanno kadib, isagoo noqday Xafaidul-Qur’aan.

Dhinaca kale, Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta  waxay Ardayga Somali-Maraykanka wax ka weydiiyeen sida uu u arko Guusha uu ka gaaray Tartanka Qur’aan Akhriska, wuxuuna Ardayga ku jawaabay: “Waa dareen weyn iyo Natiijo aan la rumeysan Karin guushayda isbuucan”

Waxa uu sii raaciyey: “Marna kuma fekerin inaan  guuleysan doono, waayo Tartanku waxa uu ahaa mid adag, laakiin, waxaan aad uga mahad celinayaa Ilaahay Kheyrkaasi. Waxaa si gaar ah  u macaan inaad ogaatid inaan Aniga ahay qofkii ugu horreeyey oo Maraykan ah ee ku guuleysta halkan”.

Ardayga Axmed Burhaan Maxamed waxa uu ku guuleystay Abaalmarin dhan 250,000 Dirhamka Imaaraadka oo u dhiganta ku-dhawaad 68,000 oo Dollarka Maraykanka.

Tartamaha Kaalinta 2-aad galay waxaa la siiyey 150,000 oo Dirham, halka Kalainta 3-aad la siiyey 100,000  oo Dirham.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:   https://youtu.be/PIj9CkgrQaY

Hambalyo Xaafidul-Qur’aanka da’da yar ee  Axmed Burhaan Maxamed     

WQ; Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media