Sawiro:Meydadka Somaalidii lagu duqeeyay dalka Yaman oo la’aasay

Meydadka Somaalidii ku geeriyootay Doontii lagu duqeeyay dalka Yaman ayaa ugu dambeen mudo laba bilood kadib la aasay,waxsana ka qeyb galay Somaali farabadan oo aad uga xumaa dhibaatadii ku dhacday dadkaasi.

Qunsuliyadda Soomaaliya magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa xaqiijisay in la aasay Meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo 17 Maarso 2017 lagu duqeeyay Doon ay la socdeen.

Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani ayaa sheegay in waqti badan ay geliyeen sidii loo aasi lahaa Meydadkaas islamarkaana ay ugu dambeen u suurto gashay in la aaso.

Ugu dambeen waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in sidoo kale ay ku guuleesteen in lasiidaayo in ka badan 115 Somaali ah oo isugu jira Haween iyo Caruur kuwaas oo ahaa dadkii ka badbaaday duqeyntaas haatana xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media