Sawiro:Maxaa ku soo kordhay Diyaaradii ku dhacday Garoonka Aadan-Cadde

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Diyaarad ay leedahay shirkadda  Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka Ciidamada  Midowga Afrika ee AMISOM,waxay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Sababa ugu weyn Diyaaradaan ee keentay in ay dhacdo ayaa lagu sheegay in dhowr mar ay lugaha u bixi waayeen taas oo keentay in markii ay dhulka u dhawaatay ay dhacdo.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa Saraakiil Ajnabi ah oo gaaraya ilaa 5 kuwaas oo ka badbaaday markii ay Diyaarada dhacday islamarkaana aan waxba soo gaarin sida ay Radio Dalsan u sheegeen illo xog ogaal ah oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Markii ay Diyaaradii soo dhacday kadib waxaa dhamaan la hakiyay dhaqdhaqaaqii Garoonka iyadoo la joojiyay Guud ahaan Duulimaadyadii bixi lahaa oo la sheegay in dhowr diyaaradood ay taagnaayeen walow markii dambe dib loo fasaxay.

Shirkadda  Bancroft ayaa ah mid Ciidamada Amisom ka Caawisa dhinaca la talinta Amniga Waxayna leeyihiin Diyaarado yar yar iyo waliba Xayawaanka loo yaqaano Eeyga oo kaalin weyn ka qaata Shaqadooda kaas oo dadka ku baara qeybo kamid ah Garoonka Aadan-Cade.

Dhawaan ayay aheyd markii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho tira ka dhowr jeer ay dib uga laabatay Diyaarada Turkish  Airline,oo rakaab ka soo qaada Magaalada Mombasa ee dalka Kenya  kadib markii ay Lugaha u bixi waayeen balse Maalmo kadib lagu Guuleestay in ay soo degto

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media