Sawiro:Markab sida Gar gaar oo loo soo diray Soomaaliya

Markab sida raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa dowladda Turkiga waxa ay u soo dirtay dalka Soomaaliya si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee weli qaar ka mid ah Gobolada dalkeena Soomaaliya ay abaartu ku heyso.

Markabkaan soo sida Raashin tankiisu yahay 13,000 tan,ayaa Maalmaha ina soo aadan waxaa la filayaa in uu soo gaaro Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo ka soo baxay Magaalada Caasimada ah ee Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Deeqdaan Raashinka ah ayaa ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan,iyadoo Turkiga aysan aheyn markii ugu horeysay oo uu deeq u soo diro Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Turkiga Veysi Kaynak, ayaa xaqiijiyay in dowladda turkiga ay markabkaas Soomaaliya u soo dirtay,waxa uuna sheegay in Maraakiib kale oo sida raashin loo soo diri doono dalka Soomaaliya.

Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar saameysay dadka iyo duunyada ku nool in kastoo haatan ay tahay mid sii yaraaneysa dowladda turkiga ayaana ka mid ah Wadamada sida weyn u Caawiyay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo la ogaa in Sanadii 2011,kii sidaan oo kale abaarti jirtay uu Turkiga qeyb weyn ka geestay Caawinta soomaaliya.

Xigasho Anadola.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media