Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo Boqolaal Dad ah kula Hadlay Masjidka Isbahaysiga Salaadii Jimcaha kadib

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo boqolaal Dadweyne ah Maanta Salaadda Jimcaha kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa wuxuu ka hadlay Ficilada xun xun oo ay dhaqanka u leeyihiin Maleeshiyada Argagixisada ah ee caadaystay inay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay aad muhiim u tahay in halmeel looga soo wada jeesto Maleeshiyada Al-Shabaab, sidoo kalana shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Argagixisada xiriirka la leh Al-Qaacida inay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamaanka, oo iyaga oo magac Diin sheeganaya ay ku daadinayaan dhiiga Islaamka.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu Baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideysaan Khayraadka Badan ee Alle uu ku manaystay waddankeena.

Ugu Danbayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in lagu jiro 10-kii Danbe ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan loona baahanyahay Dad Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay inay caawiyaan dadka Masaakiinta ah.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media