Sawiro:Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta  gaaray Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,waxana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxana inta badna xiran Wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo lagu arkayo Ciidamada kenya iyo kuwa Jubbaland oo amaanka siweyn u adkeynaya.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magaalada Kismaayo waxa uu booqan doonaa Dekadda Magaalada Kismaayo iyo waliba Garoonka Diaayadaha isaga oo sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa Maamulka jubbaland.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media