Sawiro:Madaxweynaha Galmudug oo u diyaar garoobay Xaflada Caleemo-Saarkiisa

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf)

Masuuliyiin ay kamid yihiin xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado,waxana markii uu Cadaado tagay ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaana la filayaa in dhawaan loo qabto xaflad Caleema-Saarka taasi oo ka qeyb galayaan masuuliyiin ka kala socota Beesha Caalamka iyo dowlada Somaaliya.

Sawiro