SawiroMadaxda ugu sareysa dalka oo Caawa la afuray Ciidamada xasilinta amniga

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caawa waxa uu la afuray ciidamada xasilinta amniga ee ku jira sugida amniga iyo hub aruurinta ka wada gudaha Magaalada muqdisho.

Ciidamada ayaa Ra’iisul Wasare kheyre,waxa uu sidoo kale la dukaday Salaadii maqrib isagoo ku dhiirageliyay in Shacabka ay si hagar la’aan ah ugu Shaqeeyaan.

Sidoo kale waxa uu arintaan kaga gol lahaa sidii uu u ogaan laha qaabka ay howlgalka u wadaan ciidamada xasilinta amniga kuwaas oo har iyo habeen lagu arkayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan Shaqada adag ay u hayaan Shacabkooda.

Kormeerkaan ayaa waxaa ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow(DucAale)

Sawiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media