Sawiro:Hal ku dhiga dowladda waa”la dagaalanka Musuqa iyo kordhinta Dhaqaalaha

Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer howleed maanta ku sameeyay qeybta canshuuraha ee Garoonka Aadan Cadde, isagoo kulan la yeeshay madaxda iyo shaqaalaha waaxdaas.

Wasiirka oo shaqaalaha la hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan waajibkooda Qaran, isla markaana xuquuqdooda loo dhameystiri doono.

Waaxda furdada ee garoonka Aadan Cadde ayaa dhowaan maamul cusub loo sameeyay, iyadoo madaxda cusub ay sheegeen in ay maalintii ka soo xareeyaan qeybtaas $70,000 (todobaatan kun) halka maamulkii ka horeeyay ay keeni jireen lacag u dhaxeysa $30-40 doollar.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media