Sawiro:Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Wadajir oo xilkii la wareegay

Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee degamdaasi iyo gudoomiyihii hore oo dhawan xilka laga qaaday.

Munaasaabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir,Ururka Haweenka degmada Wadajir iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Intii ay munaasabada socotay ayaa Maamulkii hore ee degamda Wadajir oo xilka kasii degaya waxa uu shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah waaxyaha kala duwan ee Maamulkaas kuwaas oo ku muteestay shaqo wanaag.

Gudoomiyahii hore ee degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa xilka degmadaas Maanta sirasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llahi Xassan.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media