Sawiro:Dowladda Japan oo Qalab ku wareejisay Ciidanka Booliiska Somaaliya

Dowladda Japan ayaa Maanta Qalab kala duwan ku warejisay taliska ciianka Booliiska Somaaliyeed qalaabkaas oo muhiim u ah Ciidanka Booliiska Somaaliya.

Qalabkaan ayaa kala ah Mootooyin Gaadiidka Ciidanka iyo Qalab kale waxana dowladda Japan madaxdii ka socotay ay ku wareejiyeen taliyaha ciidanka Booliiska Somaaliya C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Goobta lagula wareegayay qalabkaan ku sugnaa ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada ay la garab taagan tahay iyo qalabkaan Maanta ay ku wareejiyeen.

Sikastaba dowladda Japan ayaa horay dowladda Somaaliya waxa ay sidan oo kale ugu wareejisay Qalab kala duwan oo si gaar ah ay u siticmaalayaan Ciidanka Meleteriga Somaaliya.

Sawiro