Sawiro:Al-Shabaab oo Ciidamadii ugu badnaa oo Ajaanib ah soo bandhigay iyagoo…

Al-Shabaab ayaa tababar usoo xiray Boqolaal dagaalyahan oo ka soo jeeda dowladda Kenya kuwaas oo Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay kamid noqdaan Ciidamadooda dagaalka kula jira dowladda Kenya.

Muuqaalo Fiidiyow ah oo laga baahiyay Baraha ay Intarnetka ku leeyihiin ayaa waxaa ka soo muuqday dagaalyahano xirnaa dharka milateriga, wajigana u duubnaa, kuwaas oo dhoolatus ku sameynaya goob howdah oo ay beero ku yaallaan.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalyahanad xiligaan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin Ciidamada u dagaalama Al-Shabaab.

Sawiro