Agaasimaha Guud ee HSJ G/Sare Maxamed Adam Koofi ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Biljimka.
Agasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safarada, Qumsulka iyo gudi ka socdey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka.
Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.
Sawiro