(SAWIRO): Wargeyska WSJ oo wax ka qoray Qarixii Daallo Airlines

Wargeyska The Wall Street Journal (WSJ) ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa soo xigtay in Ninkii geystay qarixii Daallo Airlines uu si taxadir leh u soo  hareer maray Ciiddanka Amamanka, isagoo Laptopka ku qariyey Gaariga Curyaaminta ee uu watay.

Wargeyska ayaa soo xigtay Diplomaasi Reer Galbeed ah oo qeyb ka ahaa Baaritaanka in ninka lagu tuhunsan yahay Qaraxa markii uu Diyaaradda gudaha u galay uu Kursi ka fariistay, kadibna uu u sii gudbay kursi kale oo u ufariistay  ilaa uu qaraxii ka dusiyey Hulka ka samaysay Diyaaradda.

Sidoo kale, Waxaa soo baxayo Faahfaahino la xiriirta Dhacdadaasi, iyadoo Afhayeenka Madaxtooyadda sheegay in la qabtay in ka badan 20 qof oo lala xiriirinayo Dhacdadii Qarixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA ayaa baahisay  Muuqaalo si cad u muujinaya Dhaqdhaqaaqa Ninka lagu tuhunsanaa inuu fuliyey Qaraxii maalintii Talaadadii hore (Bishan February 2-dii) ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku dhex rakiban Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa laga dheehday qaabka uu Ninka qarax geystay loogu dhiibay Laptopka ilaa iyo inta uu ka galay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines ee Duullimaadkeedu ahaa Flight D3159.

Ninka qaraxa geystay oo lagu magacaabi jirey C/llahi Cabdisalam Boorleh ayaa la arkayaa mar isagoo la lugeynayo Nin Laptop gacanta midig ku walfinayo, kaasi oo ugu dambeyntii Laptopka u gudbiyey Ninka curyaanka, ka hor inta uusan Ninkaasi Gaariga Curyaaminta la gelin Diyaaradda.

Ilaa 20 qof ayaa loo xiray Falkaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen qaraxaasi.

DAAWO SAWIRADDA:

somali.jpg

CCTV FOOTAGE 2 CCTV FOOTAGE4 CCTV FOOTAGE1 CCTV FOOTAGE 3

DIYAARADDA©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor