Sawiro:-Xukuumadda Soomaaliya oo War ka soo saartay jarista Dhirta iyo dhoofinta dhuxusha

Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlayo ka hortaga jarida dhirta iyo Nabad-guurka deegaanka,waxana furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka  dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar)

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaaabisay Safaarada Sweden ee Soomaaliya,waxana diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa jarista dhirta ee dhuxusha laga sameeyo.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in dhirta lajaraayo ee laga sameeyo dhuxusha ay aad uga faa’iidaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay go’aan ka qaadatay jarista dhirta,isla markaana laga hortagayo, taasina xukuumaddu ay qaadatay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Maanta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media