(SAWIRO): Wiish ku soo dhacay dhismo ka socday Masjidka Xaramka ee Maka Al-mukarama

Saraakiisha Mamulka magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu Wiish nooca guur-guura soo jabay kuna habsaday goob uu dhismo ka socday  Masjidka weyn ee Maka, iyadoo Dareewalkii Wiishkaasi uu soo gaaray dhaawac fudud.

Twitter-ka Telefishinka Al-Ekhbaariya  waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ku sugan Maka Al-mukarama inaysan waxyeello soo gaarin dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka Xaramka.

Goobta uu dhismuhu ka socdo ee Masjidka Xaramka ayaan weli loo furin dadka Cibaadaysana, kuwa Cumradda iyo dadka kale ee u soo cibaada taga Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalladda Maka Al-mukarama.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Shulka, ayaa muujinaya inuu Wiishku ku dhacay meel uu dhismo ka socday, oo uusan ku dhicin meel ay dadkii cibaadaysanayey joogeen.

WQ. Ustaad Nuradin

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media